Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Masuuliyiin ka kala tirsan dowlada Federer Somalia iyo dowlad goboleedka Galmudug ayaa booqasho ku tagay deeganka Miirjicley ee gobolka galgaduud oo ka mid ah deenagaada hoosyimaada degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka galgaduud.
Masuuliyiinta deeganka booqashada ku tagay ayaa wax ka mid ah Taliyaha Isgaarsiinta Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo gudoomiye kuxigeenka koobad ee baarlamaanka galmudug . Waxana masuuliyiinta soo dhaweey balaran u sameeya maamulka magalada Miirjicley iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaladas .
Gudoomiye kuxigeenka koobad ee baarlamaanka galmudug Cabdulahi xirsi Mohamed iyo Taliyaha Isgaarsiinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Abdikariin Hussain macalin ayaa si wada jir ah u sheegey inay hormarinta deeganka Miirjicley ka qeeb qaadan doonaan.
Warkan waxaa faah faahinaysa: Sacdiyo Abdulkadir Yusuf
Audio Player