Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo goobjoog ka ahaa munaasabad xil-wareejin ah oo uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub.

0
41

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa galabta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, taas oo lagu kala wareegayay xilka Guddoomiyaha Ururka Haweenka Caasimadda.

Guddoomiyihii hore ee Ururka, Dahabo Aadan, ayaa munaasabadda ka jeedisay khudbad ay ku soo bandhigtay waxqabadkii ururka intii ay xilka haysay, iyada oo u mahadcelisay dhammaan haweenkii la soo shaqeeyay.

Guddoomiyaha cusub, Shooco Maxamed Cali, ayaa isna khudbad ka jeedisay madasha, waxayna balan qaaday inay xoojin doonto kaalinta haweenka ee horumarka iyo nabadeynta caasimadda Galmudug.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here