Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ku-simaha Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada, Eng. Maxamed Cabdi Cilmi, ayaa Xalay magaalada Gaalkacyo kulan Casho Sharaf ah u sameeyay qaar ka mid ah xubnaha guddigii qaban-qaabada munaasabadda xuska maalinta xorriyadda ee 1-da Luulyo.
Kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid lagu dhiirrigelinayo dadaalkii ay muujiyeen guddiga intii lagu jiray diyaarinta iyo qabsoomidda munaasabadda taariikhiga ah ee xuska 1-da Luulyo, taasoo si heer sare ah loogu qabtay magaalada Gaalkacyo maalmo kahor.
Liibaan Mohamed Abdi ayaa warkaan soo jeedinaya.