Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug ayaa magaalada Guriceel ka qayb galay munaasabad qalin-jabin loogu dabaaldegayay arday dhammaystay heerarkooda waxbarasho, taas oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Iskuulka Royal Academy.
Munaasabadda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socday wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Arrimaha Diinta ee Galmudug, maamulka gobolka Galgaduud, maamulka degmada Guriceel, macallimiin, waalidiin, iyo marti sharaf kale.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf