Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiiro ka tirsan dowladda Galmudug, agaasimayaal iyo xubno kamid ah maamulka caasimadda Dhuusamareeb ayaa ka qeyb galay xaflad qalin-jabin ah oo si weyn loo soo agaasimay, taas oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb. Xafladdan ayaa lagu maamuusay arday wax ku soo bartay Plasma Professional & Technical Training Center, faraceeda Galmudug.
Ardayda qalin-jabisay ayaa isugu jirtay kuwa dhameystay barashada luuqadda dadka maqalka la’ iyo gabdho ku takhasusay xirfadda qurxinta haweenka. Barnaamijyadan xirfadeed ayaa si gaar ah u taageeraya dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo haweenka si ay uga qayb qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.
Liban Mohamed Abdi ayaa soo jeedinaya.