Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Galmudug ayaa ka qayb galay munaasabad abaalmarino lagu gudoon siiyay ardayda ku guuleysatay kaalmaha hore ee tartanka Quraanka ee dugsiyada magaalada Dhuusamareeb. Munaasabaddan ayaa lagu ammaanay ardayda dadaalka iyo kartida ay muujisay, iyadoo sidoo kale abaalmarinno la siiyay kuwa ku guuleystay tartankan.
Mas’uuliyiinta ayaa muujiyay sida muhiimka ah ee tartamada Quraanka ay u dhiirrigeliyaan ardayda, isla markaana dowladda Galmudug ay si joogto ah u taageeri doonto horumarinta waxbarashada iyo dhaqanka bulshada, gaar ahaan barashada diinta Islaamka. Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay dadaalka macalimiinta iyo ardayda, iyadoo la dhiirrigeliyay in tartamadan ay qeyb ka yihiin horumarinta aqoonta iyo akhlaaqda.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi.