Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada Guriceel oo Munaasabad ka Qaybgalay Degmadaas.

0
120

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulan Casho Sharaf ah oo lagu xoojinayo xiriirka Isbitaalka Al-Caasima iyo bulshada Galmudug ayaa habeenkii xalay ka dhacay degmada Guriceel.

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen Maamulka degmada, Dhakhaatiir, Agaasimaha Isbitaalka degmada, Nabadoonno, Aqoonyahano, dhallinyaro, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa diiradda lagu saaray sidii Isbitaalka Al-Caasima looga hirgalin lahaa Galmudug, gaar ahaan Guriceel, si loo dardargeliyo adeegyada caafimaad ee deegaanka.

Bulshada Guriceel ayaa ku adkaysatay in la tayeeyo helitaanka adeegyada caafimaadka, taasoo qeyb ka ah ballan-qaadka guud ee kulanka.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here