Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska DFS Ismaciil Abdirahman Sh Bashiir , wasiiro iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Gaaray Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud
Waxaana ujeedka safarkoodu ahaa dhiirigelinta iyo ka qeybqaadashada dhamaystirka wejiga kowaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Xeraale
Maamulka degmada Xeraale iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa si diiran ugu soodhaweyey magaalada.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali