Masuuliyiin katirsan Galmudug oo Kormeer Ku tagey garoonka ciyaaraha ee Gaalkacyo.

0
10

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta iyo maamulka degmada Gaalkacyo, ayaa maanta kormeeray garoonka ciyaaraha ee Cabdullaahi Ciise oo dhismihiisu socdo.

Kormeerka ayaa lagu qiimeeyay heerka dhismaha iyo dardargelinta howlaha socda, si loo horumariyo ciyaaraha iyo kaabeyaasha dhallinyarada gobolka.

Mas’uuliyiinta ayaa warbixin ka dhageystay injineerada iyo shaqaalaha, iyagoo ballanqaaday in dowladda Galmudug ay sii xoojin doonto taageerada dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here