Masuuliyiin katirsan Galmudug oo kormeer kutagay deegaanka Docolle Farale.

0
46

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug ayaa kormeer ku tagay deegaanka Docolle Farale si uu u qiimeeyo xaaladda adeegyada biyaha ee deegaanka, oo dadka deegaanka ay ka cabanayeen.

Intii kormeerka lagu jiray, wasiirku wuxuu eegay baahiyaha biyaha ee bulshada iyo qorshayaasha mustaqbalka ee horumarinta adeegyada biyaha.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu la kulmay bulshada deegaanka, isagoo u ballanqaaday in wasaaradda ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo kheyraadka biyaha ee deegaanada muhiimka ah.

Warkan waxaa soo jeedineysa:Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here