Maxaa dhiiri-geliyey ninka lagu tuhmayo weerarkii Munich?

0
47

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Booliska Jarmalka ayaa sheegay in ninka Afgaaniga ah ee looga shakisan yahay inuu gaari ku jiiray dad ku sugnaa magaalada Munich laga yaabo inuu lahaa ujeeddooyin xagjirnimo Islaami ah.

Afhayeenka booliska, Guido Limmer, ayaa wariyeyaasha u sheegay in baaritaannadii horudhaca ahaa ee lagu sameeyay qalabka elektarooniga ah ee eedeysanaha laga helay ay muujinayaan “aragti xagjirnimo Islaami ah oo cad.”

Dacwad-ooge Gabriele Tilmann ayaa intaas ku dartay in ninka la tuhunsan yahay uu saraakiisha booliska ugu qeyliyey “Allahu Akbar”, isla markaana uu tukaday markii la qabtay.

Ninkan 24-jirka ah, oo warbaahinta Jarmalku magaciisa ku sheegtay Farhad N., ayaa lagu eedeeyay inuu si kas ah ugu jiiray gaari nooca Mini Cooper dad ka qeyb galayay dibadbax ay qabanayeen shaqaalaha ururka ganacsiga ee Munich Khamiistii, taasoo ay hoggaamiyeyaasha Jarmalku ku tilmaameen “weerar.”

Booliska ayaa sheegay in 36 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, labo ka mid ahna ay xaaladdoodu aad halis u tahay, oo uu ku jiro ilmo yar.

Sidoo kale, siddeed qof oo kale ayaa qaba dhaawacyo culus, sida uu sheegay Limmer.

Falka ayaa dhacay xilli magaalada Munich ay martigelinayso shir caalami ah oo amniga lagaga hadlayo, iyadoo dalka Jarmalka uu ku jiro dood kulul oo ku saabsan soo-galootiga, xilli la filayo doorashada 23-ka Febraayo.

Tilmann ayaa sheegtay in eedeysanuhu qirtay inuu si kas ah babauurka ugu jiiray dadkii mudaaharaadayay, isaga oo sabab uga dhigay “wax aan ku soo koobayo dhiirrigelin diimeed.”

Farhad N. wuxuu si sharci ah ku joogay Jarmalka, wuxuuna ka shaqeynayay ammaanka, iyadoo Tilmann xustay inuu aad ugu lug lahaa isboortiga jir-dhiska.

“Wuxuu ahaa qof aad diinta ugu adag oo si cad u muujiya caqiidadiisa,” ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay inuu si joogto ah masaajid u tagi jiray isla markaana baraha bulshada ku faafin jiray “farriimo diimeed.”

Tilmann ayaa sidoo kale sheegtay in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in eedeysanaha uu xiriir la leeyahay kooxaha xagjirka ah sida Dowladda Islaamiga ah (IS).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here