Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Gudoomiyaha Maxkamada sare Ee dalka mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay lacagaha laga qaado muwaadinka markii uu gal dacwadeed ka furto maxkamadaha dalka waxaana uu gudoomiye Baashe sheegay in lacagahaas ay tahay mid ku dhacda qasnada dowlada sidookalana tahay lacag aad u yar oo culeys ku aheyn qofka.
Dhanka kale gudoomiyaha maxkamada sare ayaa intaas hadalkisa ku daray in laga cafiyo qofka aan awoodin bixinta lacagtaas galka dacwada lagu furto.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor