Maxkamadda dagmada Guriceel oo dhul ay u xakuntey ku warejisay Muwaadin Soomaaliyeed.

0
29

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maxkamadda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa xukun rasmi ah ku wareejisay dhul ku yaalla deegaanka Lebi-Xaluul, kaas oo muran sharciyeed uu ka taagnaa muddooyinkii u dambeeyay.
Dhulkan ayaa lagu wareejiyay Mahdi Maxamed Jimcaale, oo u hadlayay milkiilayaasha dhabta ah ee dhulkaasi.
Guddoomiyaha Maxkamadda Guriceel, Xassan Cabdullaahi Cali, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xukunka, isaga oo sheegay in maxkamaddu ay go’aankeeda ku saleysay dukumiintiyo sharci ah iyo caddeymo la xiriira lahaanshaha dhulkan.

Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulqadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here