Maxkamadda degmada cadaado oo go’aan kama danbays ah ka gaartay dacwada geel la’isku haystay.

0
99

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Muwaadin lagu magacaabo Maxamed Cabdi Faarax ayaa maxkamadda Degmada Cadaado ee gobolka Galguduud u gudbiyay dacwad ka dhan Ciise Aadan Yuusuf taas oo ku saabsan geel sida uu maxkamadda ka sheegay baadi ahaan uga maqnaa muddo balse uu milkiyaddeeda ku haysto muwaadinka lasoo dacweeyay.

Fadhiga koowaad ee garmaqalka Dacwaddan ayaa hooraantii asbuucan  ka dhacday deegaanka tuulo Sarmaan, goob ay dadwaynaha iyo maxkamadaha Degmooyinka Cadaado iyo Gelinsoor ku sugnaayeen.

Fadhigaas waxaa guuddomiyaha maxkamadda Cadaado ka sheegay in dib loo ballamay, waa kan guddoomiyaha Maxkamadda Cadaado Cabdi Ciise oo warbaahinta la wadaagay go’aankii laga gaaray dacwaddan.

Warkan waxaa soo jeedinaya:- Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here