Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Gobolka Mudug ayaa go’aan cad ka gaartay muran dhuleed oo muddooyinkii dambe taagnaa, kadib markii ay dhageysatay caddeymo iyo markhaatiyaal la xiriira lahaanshaha dhul si sharci darro ah loo haystay.
Maxkamaddu waxay ugu dambeyn dhulkaasi ku wareejisay muwaadin Soomaaliyeed oo cadaalad raadinayay, kaasi oo la xaqiijiyay inuu yahay milkiilaha rasmiga ah ee dhulkaasi.
Go’aanka maxkamadda ayaa lagu saleeyay dokumentiyo dhameystiran oo uu soo bandhigay muwaadinkaasi, kuwaas oo muujinayay in uu si sharci ah ku hantiyay dhulka.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Sacdiyo Abduqaadir Yusuf