Mbappe oo ka jawaabay dalabka kooxda Al-Hilal ee Sucuudiga.

0
63

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)- Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa iska diiday kooxda Al Hilal sida ay sheegayaan Wararku.

Mbappe oo ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay isla markas diiday in uu heshiis cusub u saxiixo ayaa dalab ka helay kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.

Sidoo kale Al Hilal ayaa dalab waali ah oo uu todobaadka ku qaadanayo 3 milyan u soo bandhigtay xiddiga Mbappe.

Kooxda PSG ayaa xiddiga u ogolaatay in uu la hadlo kooxda Al Hilal si uu u dhamaystirto heshiiska kadib markii ay aqbashay dalabkii kooxda Al Hilal.

Laakiin Mbappe ayaa diiday In uu la kulmo masuuliyiintii ka socotay sucuudiga.

Fabrizio Romano ayaa sheegaya In uu Mbappe iska diiday dalabkii uu ka helay kooxda Al Hilal.

Mbappe ayaa la rumaysanyahay In uu doonayo in uu sii joogo kooxda PSG si uu qaab xor ah uga tago kooxda xagaaga dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here