Mbappe Oo Lagu soo Eedeeyay Adeegsiga Daroogo Kulankii Dortmund.

0
20

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xiddiga reer France ee Real Madrid, Kylian Mbappe, ayaa ku qaatay ku dhowaad 58 daqiiqo tijaabada daroogada (doping test) kaddib kulankii ay kooxdiisu 3-2 kaga adkaatay Borussia Dortmund wareegga siddeed-dhamaadka ee Club World Cup.

Mbappe ayaa dhaliyay goolka guusha ciyaarta, kaasoo yimid daqiiqadihii dheeraadka ee qeybta labaad. Si kastaba ha ahaatee, ciyaarta kaddib ayaa baaritaan caafimaad dib loogu sameeyay, iyadoo tijaabada daroogada ay qaadatay waqti ka badan intii la filayay.

Sababtaas darteed, kooxda Real Madrid ayaa u ambabaxday garoonka diyaaradaha iyagoo aan sugin weeraryahankooda. Mbappe ayaa ugu dambeyn ka baxay garoonka 58 daqiiqo kaddib dhammaadka ciyaarta, waxaana garoonka diyaaradaha geeyay gaariga kooxda oo uu la socday wakiil ka tirsan Real Madrid.

Real Madrid ayaa wareegga afar-dhamaadka Club World Cup la ciyaari doonta kooxda Paris Saint-Germain (PSG), iyadoo ciyaartaasi la qaban doono Arbaco, 9-ka Luulyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here