Mmaamulka magaalada dhuusamareeb oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay dhalashada nabiga.

0
7

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug oo ka qayb galay munaasabad si weyn loo agaasimay oo lagu xusayay dhalashada Nabiga Muxammad (NNKH). Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta mowlaca reer macalin nuur ee magaalada dhuusamareeb ayaa waxaa kasoo qayb galay culimaa’udiin, maamulka degmada, qeybaha bulshada rayidka, haween, dhallinyaro, iyo arday. Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalaga Dhusamareb

Mashaaikhda ka hadlay goobta ayaa si qiiro leh uga sheekeeyay taariikhda nolosha Nabiga (NNKH), gaar ahaan samirka, caddaaladda, iyo naxariista uu u muujin jiray ummadda.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here