Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabad qalin-jabin ah ay ku qalin-jabinayeen arday bartay xirfadaha gacanta sida harqaanka, dhar-kariska, iyo computer-ka ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa maamulka magaalada Dhusamareeb, masuuliyiin ka socday maamulka Galmudug, iyo qeyb ka mid ah bulshada magaalada Dhuusamareeb.
Liiban Axmed, madaxa xafiiska hay’adda NRC ee Galmudug, ayaa sheegay in dhammaan ardayda la siiyay agabkii ay ku shaqeysan lahaayeen si ay ugu bilaabaan xirfadooda.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf