Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada Dowladda Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo uga qeyb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen 40 gabdhood oo si lacag la’aan ah ku bartay culuumta caafimaadka. Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Galmudug, maamulka degmada Gaalkacyo, aqoonyahanno, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Gaalkacyo.
Mas’uuliyiinta munaasabadda ka hadlay ayaa ku bogaadiyey gabdhaha dadaalka ay muujiyeen, iyagoo xusay muhiimadda ay u leeyihiin bulshada dhanka caafimaadka. Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen kaalinta muhiimka ah ee ay haweenku ku leeyihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo kor u qaadidda fayo-qabka bulshada.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Sacdiya Abdulkaadir yusuf