Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo ay ku qalin-jabiyeen arday dhammaystay barashada culuumta Shareecada Islaamka.
Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Galmudug, culimo, waalidiin, macallimiin iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intii ay socotay xafladda qalin-jabinta, ardayda ayaa soo bandhigay heerka aqooneed ee ay gaareen, iyagoo si cad u muujiyey dadaalkii, dulqaadkii iyo diyaar-garowgii ay u galeen barashada diinta Islaamka.
Warkan waxaa soo jeedunaya: Sadio Abdulkadir Yusuf