Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Madarasada ibn Camaar oo kamid ah xarumaha lagu barto diinta islaamka e ku yaalla Degmada Guriceel ayaa lagu qabtay Munaasabad ay ku qalin-jebinayeen arday baratay qur’aanka kariimka ah iyo sidoo kale culuumta shareecada islaamka.
Munaasabadda waxaa ka qayb-galay arday, waalidiin iyo marti-sharaf kale, kuwaas oo goobjoog u ahaa abaalmarinta ardaydan dhamaysatay culuumta islaamka iyo qur’aanka.
Warkan waxaa soo jeeedinaya:Ahmed Mohamed Jama