Munaasabad ku saabsan qorshaha Mastar planka oo lagu qabtay Degmada Guriceel.

0
44
Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Degmada Guriceel Farah Abdi Mo’allim,Guddoomiye ku Xigeenka Degmada  Shafi’i Jama Abdi,qaar ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka degmada guriceel,Agaasimayaal heer Gal-mudug ah, Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee degmada iyo Marti sharaf kale ayaa ka qayb-galay xaflad si heer sare ah Maamulka Degmadu uu u soo Agaasimey oo ahayd daah-furka iyo billaabista barnaamijka naqshad saarista Magaalada Guriceel ee ah waxa loogu yeero Master Plan-ka.
Xafladdan ayaa waxaa goob joog ahaa qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka,ganacsatada,culimmada,dhallinyarada iyo ururrada haweenka iyaga oo si mug iyo miisan leh u falanqeeyey mashruucan iyo sida ay bulshadu uga faa,iidaysan karto.
Sidoo kale waxaa goobta xaadir ku ahaa shirkadda damal oo ah shirkadda Maamulka Degmadu uu u xushay inay fuliso farsamo ahaan barnaamijkan.
Warkan Abdidahir Garad Ali ayaa faah faahinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here