Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad lagu abaalmariyay arday dhameystay culuumta Shareecada Islaamka iyo arrimaha bulshada. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, culimaa’udiin, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Masuuliyiinta ka hadlay goobta ayaa ku dhiirrigeliyay ardayda dadaalka barashada culuumta diinta iyo bulshada, iyagoo xusay in aqoontu tahay furaha horumarka iyo hanuunka bulshada.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sadio Abdulkadir Yusuf.