Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kadib munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkana kadhacday Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu caleema saaray gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi mocalim,gudoomiye kuxigeenka Degmada Shaafici Cabdi jaamac iyo xubnaha golaha deegaanka ee dhawaan doorashadoodu kaqabsontay Guriceel.
Munaasabada caleemasaarka ayaa waxaa kaqayb galay madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye”QoorQoor”madax katirsan 2da gole ee dowlada dhexe,2da gole ee Galmudug,gudoomiyaha Gobolka Galgaduud,gudoomiyeyaasha degmooyinka Galgaduud,ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur,iyo qaybaha bulshada Guriceel.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Bashir Mohamed Salad