Munaasabad Qalin-jabin ah oo lagu qabtay degmada Guriceel

0
9

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabad lagu qalin-jabinayay ku dhowaad 50 arday oo dhameystay waxbarashada dugsiga sare ayaa ka dhacday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadda  waxaa ka qeyb galay waalidiin, macallimiin, maamulka degmada, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Galmudug, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Mas’uuliyiinta ka hadlay munaasabadda ayaa ardayda ku dhiirrigeliyey in ay sii wataan tacliintooda una shaqeeyaan horumarinta deegaankooda, iyagoo muujiyay muhiimadda waxbarashadu u leedahay mustaqbalka qofka iyo bulshada guud ahaan.

Warkan waxaa soo jeedineysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here