Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Bulshada deegaanka Afgadaduudshe ee gobolka Mudug ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey dhisme iskuul oo ay iska kaashadeen dhismahiisa bulshada deegaanka iyo hay’ado maxalli ah.
Iskuulkan oo ah mid waxbarasho muhiim ah u leh carruurta iyo dhalinyarada deegaanka ayaa la filayaa inuu wax weyn ka beddelo heerka aqoonta ee degaanka.
Munaasabadda wareejinta iskuulka ayaa waxaa ka qayb galay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, waalidiinta, macallimiin, iyo wakiillo ka socda hay’adihii gacan ka geystay dhismaha
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abullahi Abdulkhadir Nor