Munaasabadda Xuska Maalinta caafimaadka dhimirka aduunka oo Muqdisho lagu qabtay

0
39

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabaddan oo laqabto sanad walba maanta oo kale ayaa si gaar ah diiradda loo saarayey mowduuca “Doorka Shaqo Bixiyayaashu ku leeyihiin in kor loo qaado caafimaadka shaqaalaha iyo heerka badqabka goobaha iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.” Ujeedada kulankan waxay ahayd in la kordhiyo wacyiga ku saabsan arrimaha caafimaadka dhimirka iyo in la isla gorfeeyo baahiyaha caafimaadka dhimirka ee taagan.

Dr. Cali Xaji Adam Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa iftiimiyay muhiimadda xuska maalinta caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirk isagoo xusay in wasaaradda ay ka shaqeynayso kor u qaadista adeegyada caafimaadka dhimirka iyo helidda siyaasaddo iyo shuruuc ku saabsan caafimaadka dhimirka.
Abdidahir GARAD ayaa faah faahinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here