Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa laga daahfuray munaasabadda Todobaadka Nabadda ee Gaalkacyo
waxaana ka qeybgalay Duqa Degmada Gaalkacyo oo Mudane Cabdiraxnaan Sheekh , Xubno ka tirsan Golaha Deegaan , Wasiiro iyo masuuliyiin ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland oo isugu jira heer Degmo iyo heer Gobal , xildhibaano , aqoonyahano iyo qeybaha kale ee bulshada,
Munaasabadaan oo loogu magac daray (Galkayo Peace Weak) ayaa inta ay socoto diirada lagu saarayaa Nabadda guud ahaan Gobalka Mudug iyo ka hortagga Colaadaha.
Warkan waxaa faah faahinayasa: Hamdi Dirie Ali