Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Duqa Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan iyo gudoomiye ku xigeenka Degmada Eng: Maxamed Cabdi Cilmi ayaa ka qeyb galay Munaasabadda xarig jarka Ceelbiyood laga hirgeligay Deegaanka Qansax-dheere ee bariga Gobalka Mudug oo Gaalkacyo u jira 90-km.
Waxaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabadda xarig jarka ceelkaan Wasiirka arimaha gudaha Dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Baarlanaanka Galmudug xubno ka tirsan , Gudoomiyaha Gobalka Mudug iyo masuuliyiin kale.
Warkan waxaa soo jeedinaya:- Liban Mohamed Abdi