Newcastle Oo Liverpool Ku Garaacday Koobka Carabao Cup-ka.

0
78

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Newcastle ayaa ku guulaystay koobka Carabao Cup-ka kadib markii ay 2-1 uga badiyeen Liverpool.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh, iyadoo Newcastle ku qaadaysay Liverpool weeraro halis ah. Dhinaca kale, Liverpool ayaa kaliya kubada maamulaysay, iyaga oo ku dhibaatoonayay in ay wax fursado ah abuuraan.

Daqiiqadii 45-aad, Newcastle ayaa dhalisay goolka 1-aad, kaas oo u dhaliyay xiddiga Dan Burn, ciyaarta ayaana noqotay 1-0.

Qaybtii dambe, xiddiga Alexander Isak ayaa dhalisay goolka 2-aad, ciyaarta ayaana noqotay 2-0 oo ay kooxdiisu ku hogaaminayso.

Liverpool ayaa daqiiqadii 90+4-aad dhalisay goolka 1-aad, kaas oo u dhaliyay xiddiga Federico Chiesa, ciyaartana waxay noqotay 2-1.

Ugu dambeyn, ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1, waxaana Newcastle ku guulaystay koobka Carabao Cup-ka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here