Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Graham Potter ayaa xaqiijiyey in ay sii yaraanayso fursadda uu mar kale ugu ciyaari doono kooxda xiddiga reer France ee N’Golo Kante oo qandaraaska uu kula jiro Blues uuku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Chelsea ayaa la sheegay in aanay rajo badan ka qabin in N’Golo Kante uu heshiiska u kordhin doono sababtoo ah kala-duwanaansho dhinaca tirada sannadaha ah, hase yeeshee waxa hadda sii kala kaxaynaya taam ahaanshaha laacibkan ee jugtu soo gaadhay.
N’Golo Kante oo uu dhaawac soo gaadhay bishii October ayaa muddo afar bilood ah ka maqnaanaya garoomada iyadoo horena uu u seegay Koobkii Adduunka.
Graham Potter oo saxaafadda la hadlayay ka hor ciyaarta horyaalka Premier League ee Bournemouth ayaa waxa uu sheegay in Kante aanu kooxdiisa u ciyaari doonin illaa laga soo gaadhayo dhamaadka bisha February ama horraanta March, xilligaas oo dhamaadka horyaalka ay ka hadhsanaanayaan saddex bilood oo kaliya.
31 jirkan oo ka mid ah xiddigaha ay Blues u wiiqantay ee maqnaanshahoodu sababay inay kaalinta siddeedaad kaga jiraan horyaalka Premier League, ayaa waxa Potter oo ka hadlayay uu yidhi: “Muddo kale ayuu maqnaan doonaa. Illaa dhamaadka February ama bilowga March. Waxa lagu sameeyey qalliin, muddada ugu badan ee uu maqnaanayaana waa afar bilood.”
“Hadda diiraddaydu waa sidii uu usoo laaban lahaa sida ugu dhakhsaha badan isaga oo taam ah, qof kastaaba wuu ogyahay tayadiisa.”
Hadalka Graham Potter ayaa waxa uu imanayaa iyadoo laacibkan uu bisha January ee maalmaha kooban ka hadhsan yihiin uu xor u noqonayo inuu wada-hadallo la bilaabo kooxda uu doono maadaama qandaraaskiisu ku egyahay lix bilood kaddib.
Barcelona ayaa si weyn loola xidhiidhinayey tan iyo markii ay soo baxeen is-maandhaafka Kante iyo Chelsea oo ku kala aragti duwan tirada sannadaha heshiiska uu saxeexayo oo ay Blues doonayso inay laba sannadood noqdaan.