Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Odayaasha dhaqanka degmada Cabudwaaq ayaa si rasmi ah u shaaciyey in ay aqbaleen gogosha nabadeed ee uu dhigay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), taasoo lagu qabtay deegaanka Galinsoor.
Odayaasha ayaa sheegay in ay si buuxda u taageerayaan dadaallada nabadeed ee uu madaxweynuhu hormuudka ka yahay.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor.