Ololaha Talaalka Jadeecada iyo Oofwareenka oo laga bilaabay degmada Ceeldheer.

0
42

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ololaha talaalka jadeecada iyo oof-wareenka ayaa si rasmi ah uga bilaabmay degmada Ceeldheer iyo deegaannada hoos yimaada, iyadoo uu fulinayo Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Galmudug.

Ololahan talaalka oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo caafimaadka carruurta ayaa lagu wadaa in uu gaaro boqolaal carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano.

Maamulaha Isbitaalka Ceeldheer, Cabdullaahi Cismaan Xasan, iyo Guddoomiyaha degmada Ceeldheer, Cabdiraxmaan Axmed Cabdi Barre, ayaa si wadajir ah ugu baaqay waalidiinta iyo dadka deegaanka in ay si buuxda uga faa’iideystaan ololahan caafimaad.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here