Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabad lagu daah-furayey ololaha indho fiiqista oo ay si bilaash ah uga faa’iideysan doonaan bulshada gobolka Bakool ayaa ka dhacday magaalada Xudur, oo ah xarunta gobolka.
Ololahan waxaa bilaabay hay’adda Qatar Charity, iyadoo kaashaneysa qaar ka mid ah dhaqaatiirta gobolka.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeybgalay maamulka gobolka, kan degmada Xudur, dhaqaatiir, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan bukaannada u baahan in indhahooda la fiiqo ama la daweeyo.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Sacdio Abdulkadir