Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maaamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug ayaa olole ballaran oo nadaafadeed ka sameeyey suuqa weyn degamada iyo Wadooyinka Halbowlaha u ah magaalada,
Ku Simaha Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Eng: Maxamed Cabdi Cilmi oo ay weheliyaan Agaasimaha arimaha bulshada Maamulka Degmada Gaalkacyo Daahir Maxamuud Cilmi iyo Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo ayaa ka qeyb galay olole balaaran oo nadaafadeed oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Arimaha bulshada Dowladda Hoose kaasi oo laga sameeyay bartamaha Suuqqa weyn ee Gaalkacyo.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali