Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ururrada Haweenka iyo Dhalinyarada degmada Xarardheere ayaa magaalada ka bilay olole nadaafadeed ballaaran, kaas oo looga gol leeyahay bilic soo celinta magaalada.
Howlahan ayaa diiradda lagu saaray nadaafadda waddooyinka, goobaha ganacsiga iyo meelaha bulshada ay ku kulanto, iyadoo dhalinyarada iyo haweenku muujiyeen isku-duubni iyo dadaal lagu ilaalinayo nadaafadda degmada.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf