Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa laga daah-furay olole wacyigelin ah oo ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Galmudug ay u samaynayso carruurta iyo waalidiinta si loogu dhiirrigeliyo in carruurta la geeyo goobaha waxbarashada loogana faaiidayo iskuulada sida bilaashka ah wax looga barto ee ku yaala degmada.Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Waxbarashada ayaa ololahan goob joog ahaa.
Waxaa soo jeedineysa: Hamdi Dirie Ali.