Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku dhow inuu ka tago Chelsea ka dib markii uu heshiis la gaaray Marseille, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya France.
Kabtankii hore ee Arsenal ayaa wakhti adag ku qaatay chelsea tan ilaa markii uu 12 milyan ugaga soo biiray Barcelona xagaagii.
Aubameyang ayaa yimid maalmo yar ka hor intii aanay chelsea caydhin Thomas Tuchel kaas oo xidhiidh fiican la lahaa xiddiga isla markaas sababtiisa ugu soo biiray chelsea.
Xiddiga ayaa kaliya ciyaaray 21 kulan tan ilaa wakhtigaas waxana uu dhaliyay 3 gool oo kaliya.
Aubameyang ayaa doonayay in uu isaga tago kooxda chelsea xagaagan waxana lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ka mid yihiin kooxaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga.
Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay RMC Sport, Aubameyang ayaa haatan heshiis 2 sano ah u saxiixay kooxda reer France ee Marseille.
Marseille ayaa haatan wadahadalo kula jirta chelsea si ay ugu qanciso in ay qaab xor ah ku hesho xiddiga reer Gabon.