Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Kulan ayuu noqonayaa midkaan dhex marayaa Ghana iyo Portugal kuwaasi oo horay kaliya hal jeer isu arkay
Xogta Kulanka
*Xulalka Portugal iyo Ghana ayaa isku arkay kaliya wareega group-yada ee koobka aduunka 2014. Portugal ayaa 2-1 ku badisay, waxaana u dhaliyay Cristiano Ronaldo.
*Portugal ayaan wax guul ah gaarin saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee furitaanka koobka adduunka (D2 L1).
Ghana ayaa markii 4-aad ka soo muuqan doonta Koobka Adduunka ee FIFA, mid kasta oo ka mid ah kuwan waxa uu yimid qarnigii 21-aad. Waxa ay ku guuldareysteen in ay ka gudbaan heerka group-yada hal mar oo kaliya ka hor, inkastoo tani ay aheyd ka qeyb galkoodii ugu dambeeyay ee 2014.
*Ghana waxa ay gaartay sideed dhamaadka FIFA World 2010, taasoo ah markii ugu fiicneyd qaran Afrikaan ah tartankaan meel wacan ka gaaro iyadoo Cameroon iyo Senagal ay ku wehliyaan 1990/ 2002.