PSG Oo Ku Guuleysatay Champion Keedii Ugu Horreeyay Iyadoo Xasuuqday Inter

0
41

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Paris Saint-Germain (PSG) ayaa markii ugu horreysay taariikhdooda ku guuleystay UEFA Champions League kadib markii ay 5-0 ku garaaceen Inter Milan ciyaartii kama dambaysta ahayd ee lagu qabtay magaalada Munich.

PSG ayaa si buuxda u maamushay ciyaarta iyadoo kusoo gashay koox da’yar ah oo firfircoon, halka Inter ay la timid koox waayo arag ah balse da’ ah. Goolasha waxaa u dhaliyey Achraf Hakimi, Khvicha Kvaratskhelia, iyo Désiré Doué oo labo jeer shabaqa taabtay isla markaana hal gool caawiyay. Xiddiga beddelka ku yimid ee Mayulu ayaa dhaliyay goolkii shanaad ee ciyaarta dhammaadkeeda.

Inter ayaa heshay fursado goolal lagu dhalin karo, balse waxay ku guuldareysatay inay ka faa’iidaysato, halka PSG ay si qurux badan isugu xirtay weerar iyo ciyaar dhameystiran. Natiijadani waxay tahay mid PSG ay ku aargudatay guuldarrooyinkii hore ee tartankan.

Gaar ahaan, 19-jirka Doué ayaa noqday ciyaaryahanka saddexaad ee ugu da’da yar ee gool ka dhaliya final-ka Champions League. PSG waxay sidoo kale dhameystirtay seddexleyda koobabka xilli ciyaareedkan, iyagoo horay u qaaday Ligue 1 iyo Coupe de France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here