Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qeybgalay Munaasabad ay maamulka Puntland Kula wareegayay 13 Gaadiid ah oo ay Dowladda Imaaraadka ugu deeqday Dowladda Hoose ee Garoowe.
Gaadiidka ay la wareegtay Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa ka kooban Cagaf-cagafyo, Dabdamis, Basas, Bukaan- Gawaari nooca xamuulka ah iyo kuwo yaryar , waxaana loogu talagalay in lagu dardargeliyo adeega Dowladnimo ee Xafiiska Degmadu u hayo Bulshada ku dhaqan Caasimadda Garoowe.
Warbixintan waxaa inoo soo jeedineysa-Sadio Abdulkadir Yusuf.