Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Beeraley ku dhaqan duleedka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa baaq u diray Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo tan Dowladda Galmudug, iyagoo codsaday in laga taageero horumarinta wax soo saarka beeraha.
Beeraleydan ayaa tilmaamay inay wajahaan caqabado ay ka mid yihiin biyo la’aan, qalab beereed oo xaddidan, iyo helitaanka abuur tayo leh, taasoo saameyn ku yeelatay wax-soo-saarkooda.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf.