Qaar kamid ah culimada Galmudug oo kubaaqay in laga qayb qaato dhismaha wadada laamiga isku xira guriceel iyo Dhuusamareeb.

0
14

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Qaar kamid ah culimada Galmudug ayaa baaq culus u diray bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, iyagoo ugu yeeray in si isku duuban looga qayb qaato dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Culimada ayaa ku tilmaamay dhismaha waddadan mid laf-dhabar u ah isu-socodka bulshada, horumarinta ganacsiga iyo kobcinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada ee gobolka. Waxay sidoo kale sheegeen in ka qayb qaadashada mashruucan ay tahay masuuliyad diini ah oo qof walba laga rabo inuu gacan ka geysto.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here