Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kaamka Ula-dheer ee ku yaal woqooyiga Guriceel ayaa dadk kujira waxa ay wajahaya xaalad degdeg ah oo u baahan gargaar weyn. Dadka deggan kaamkan, kuwaas oo inta badan ka tirsan dadka barakacayaasha ah, ayaa codsanaya taageero dhinacyo badan ah, gaar ahaan cunto, biyo nadiif ah, iyo daryeel
Abaarta ka jirta deegaanka ayaa sababay in dad badan ay la kulmaan nafaqo-darro. Dadka deegaanka waxay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah si loo yareeyo xaaladdaas.
Waxaa soo jeedinaya:liibaan maxamad cabdi