Qalabka diiwaangelinta dadwaynaha oo maanta lasoo gaariiyay Dhuusamareeb

0
5

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Qalabka Diiwaangelinta Dadweynaha oo Maanta lasoo Gaarsiiyay Dhuusamareeb
Dhuusamareeb – Qalabka diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka ayaa maanta si rasmi ah loo soo gaarsiiyay magaalada Dhuusamareeb, ee caasimadda Galmudug. Qalabkan muhiimka ah oo laga dejiyay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur, waxaa halkaas kula wareegay Madaxa Xafiiska Galmudug ee Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo soohdimaha, Abuukar Daahir oo ka warbixiyay qalabka manta la keenay.
Cod
Dhanka kale Abuukar ayaa sheegay in dhowaan la billaabi doono diiwaangelinta dadwaynaha ka qayb-galaya doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Codka
Soo gaarsiinta qalabkan diiwaangelinta dadweynaha ayaa kusoo beegmeysa xilli la soo gebagebeeyay tababarka shaqaalaha diiwaangelinta heer degmo. Tababarkan oo socday maalmihii lasoo dhaafay ayaa lagu barayay shaqaalaha habraaca diiwaangelinta, adeegsiga qalabka casriga ah, iyo sida loo hubiyo hufnaanta iyo daahfurnaanta geedi-socodka.

Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here