Qaramada Midoobay oo ku baaqday in loo istaago xal u helista xasaradaha ka jirta Dalka Haiti.

0
66

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo booqasho hal maalin ah ku tegay dalka Haiti ayaa markii uu soo gabagabeeyay xog uruurinta uu sameeyay kaddib dalbaday in loo baahan yahay xal u helista xasaraha ka jira Dalkaas.

Waxa uu la kulmay Madaxda Dalkaas oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare Ariel Hanry, wakiilo kala metalayay Bulshada qaybahooda kala duwan, Siyaasiyiin iyo xubno kale oo si toos ah uga dhageystay xalka halka uu ka jiro.

Antonio Guterres, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in la garab istaago dhammaan dhinacyada ku howlan xal u helista xaaladda cakiran ee dalkaas uu galay, isaga oo ballanqaaday in uu doorkiisa ka qaadan doonno.

“Waxa aan ku baaqayaa in wadajir looga qaybqaato xal u helista dhibaatooyinka ka jira Haiti, doorkeenna waa in aan u kuurgalnaa kana jawaabnaa inta awooddeena ah, muhiimaddu waa in la wada hadlo si meel wax loo wada dhigo loona helo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Dalka Haiti waxaa ka jira qulqulatooyin siyaasadeed oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya siyaasadda, Xukuumadda talada heysa ayaa geesta kale sheegtay in ay diiradda saareyso sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka dhashay dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalahas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here