QM oo ka digtay musiibo ay sheegtay in caalamka ay ku soo fool-leedahay

0
49

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ee la dagaallanta HIV/AIDS ayaa ka digtay musiibo kusoo fool leh, kaddib marka la dhimay taageeradii dhaqaale, gaar ahaan tan Mareykanka.

Hay’addu waxay saadaalisay in malaayiin kiis oo cusub iyo dhimashooyin la xiriira AIDS ay dhici doonaan marka la gaaro 2029, sababo la xiriira yaraanta dhaqaalaha.

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’addu waxay ku sheegtay in in ka badan lixdan boqolkiiba ururrada haweenku hoggaamiyaan ee la tacaala HIV ay waayeen taageeradii dhaqaale ama ay hakad geliyeen adeegyadoodii.

Madaxa UNAIDS, Winnie Byanyima, ayaa sheegtay in dadaalkii ay dunidu iskugu keentay la dagaallanka AIDS-ka uu si weyn u wiiqmay, kaddib tallaabadii Donald Trump uu qaaday oo markii uu xilka ku soo laabtay.

Waxay intaas ku dartay in ay lama huraan tahay in wadamo badan ay hadda gacan ka geystaan, haddii la rabo in la ilaaliyo guulihii la gaaray 20-kii sano ee la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here