Qoysas danyara oo gargaar loogu qeybiyey degmada Baraawe.

0
49

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer):-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa 750 qoys waxa ay gargaar ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka ugu qeybisay degmada Baraawe ee gobalka Shabeellada Hoose.

Qoysaska gargaarkaan ka faa’iideeystay ayaa iskugu jiray barakacyaal, naafo iyo dad danyar ah, goobta lagu qeybinayey mucaawinadaan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf, Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Sheekh Abdi, ku xigeenkiisa dhanka amniga Ismaaciil Abdullaahi Jaadane iyo masuuliyiin kale.

Warkan waxaa soo jeedinaysa:Hamdi Dirie Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here