Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Maalintii shalay ahayd 29-ka July 2022 waxaa wasaaradda waxabarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Galmudug ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Fasalka siddeedaad ee Dugsiga dhexe.
Maalintan oo ay sugayeen in ka badan 3-kun oo arday, waalidiintooda iyo Dhammaan bulshada reer Galmudug ayaa lagu soo dhejinayay Natiijada Imtixaankii sanad dugsiyeedka 2021/2022 oo la qaaday intii u dhaxaysay 28-kii ilaa 31-kii Maarso ee 2022.
Waxaa shalay wasaaraddu ku dhaqaawday 10 kaalimood ee ugu horreeya Natiijada Imtixanka, waxaana dhowr arday oo isku kaalimo gashay darteed tobanka kaali,ood ee ugu horreeya kazoo muuqday 14 arday oo kala 7 gabdhood iyo 8 wiil.
Xasan Macallin Cabdiraxmaan Sh Yuusuf oo dhigta Iskuulka Sh Yusuf ee magaalada Huurshe ayaa noqday ardayga kaalinta koowaad ugalay imtixaanka.
Wariyeheenna Cabdifatah Mohamed Ahmed ayaa qadka taleefanka ku waraystay.
Cabdidaahir Garad Cali ayaa warbixintaan soo jeedinaya.